4 ganacsade oo loo haysto in ay xadeen shidaal qiimihiisu yahay in ka badan 13 milyan oo shilin

0
193

Waxaa dacwad lagu soo oogay afar qof oo ganacsato ah . Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan xatooyada nooca shidaalka ee naaftada oo ah 70,000 oo liitar qiimo ahaanna dhan 13.5 milyan oo shilin.
Tuhmanayaasha ayaa ka soo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi.
Hasa ahaate iyagoo uu matalaya qareenkooda , Shadrack Wambui ayay iska fogeeyeen dacwadda lagu soo oogay iyadoo ay maxkamaddu mid waliba oo ka mid ah ganacsatadan ku siidaysay damaanad lacageed oo dhan 500,000 oo shilin.
Waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegtay in shidaalka laga xaday shirkadda Petro City Energy Kenya Limited.
Kiiska ay wajahayaan afarta qof ayay mar kale maxkamaddu soo qaadi doontaa 7-da bisha Labaad ee sanadkan.