Xoghayaha COTU oo eedeyn u jeediyay EACC iyo waaxda dacwad oogidda

0
179

Xoghayaha Guud ee dallada ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee dalka ee (COTU-K) Francis Atwoli ayaa hay’adaha dowliga ee qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ku eedeyay inay ka gaabiyeen maxkamadeynta eedeysanayaasha lala xiriiriyo lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Atwoli ayaa sheegay in uunan ku qanacsanayn waxqabadka guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC iyo xafiiska dacwad oogaha dalka ee (ODPP).
Waxaa uu tilmaamay in maamulladan oo aan si dhameystirin u qaadin tallaabooyinka laga doonaya inay horseedday in musuqmaasuqa uu sii kordho.
Francis Atwoli ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in nidaamka cadaaladeed la hor keeno oo lala xisaabtamo cid kasta oo ku eedeysan musuqmaasuq si ay maalgashatada ugu kalsoonaadaan dhaqaalaha wadanka oo uu hoos u dhac ku yimid.
Xoghayaha guud ee COTU ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay deymo badan oo uu dalku qaadanaya tani oo sii xoojinaysa caqabadaha dhaqaale ee jira.
Francis Atwoli ayaa aqoonyahaannada ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin kuwo ka howlgalo bangiga dhexe ee dalka ee CBK ka codsaday inay dowladda uga digaan xeerarka iyo siyaasadaha culeys dheeraad ah saaraya kenyaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu hoos u dhac ku yimid qiimaha shilinka dalka marka loo barbardhigo sarrifka lacagaha qalaad.