Musalia Mudavadi oo u ambabaxay Shiinaha

0
229

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa u ambabaxay caasimadda wadanka Shiinaha ee Beijing.
Agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska madaxa wasiirrada, Saalim Swalex ayaa bayaan ku sheegay in Mudavadi uu dalkaasi ku joogi doono booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Mudavadi ayaa casuumad ka helay dhigiisa arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi.
Waxay ka wada hadli doonaan horumarinta ganacsiga faa’iidada leh, maalgashiga iyo iskaashiga amniga ee labada dal.
Saalim Swalex ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay saaxiibka muhiimka ah ee Kenya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu horseed u noqonaya mashaariicda kaabayaasha oo ay ka faa’iideysanayaan Kenyaan badan.