Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa soo dhaweeyay kulankii shalay dhex maray madaxweynaha dalka William Ruto , madaxa waaxda cadaaladda garsoore Martha Koome , guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula iyo dhigiisa aqalka sare Amason Kingi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sida xal loogu heli karo musuqmaasuqa la sheegay inuu ka dhex jiro saddexda laamood ee dowladda dhexe.
Kimani Ichung’wah ayaa madaxweyne William Ruto ku bogaadiyay ugana mahadceliyay inuu kulankaasi isugu yeeray.
Waxaa uu intaasi ku daray in baarlamaanka uu diyaar u yahay inuu golaha fulinta ee dowladda dhexe garab ku siiyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxaa uu xusay in xildhibaannada baarlamaanka ay diyaar u yihiin inay taageeraan xeerarka iyo siyaasadaha dowladda ee ay qaranka dani ugu jirto.
Waxaa uu tilmaamay inuu soo gudbin doono soo jeedin ah in la soo dhiso guddi gaar ah oo la tacaalaya in shakhsiyaadka haya xilalka hoggaanka ay awoodooda ku tagriifalaan oo ay dowladda noqoto mid iyaga u afduuban.
Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii ,Silvanus Osoro ayaa dhankiisa garabka mucaaradka ee Azimio ku dhaliilay inay ka soo horjeesteen wada hadalkii shalay dhex maray hoggaamiyaasha golaha fulinta ee dowladda dhexe, garsoorka iyo baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in laga soo gudbay xilligi ay madaxdu is dhaliili jireen oo hadda la joogo waqtiga wada xaajoodka iyo is-fahanka.