Ruushka oo 4 qof ku dilay gobolka Kharkiv

0
239

Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeyn ciidamada dowladda Ruushka ay ka gaysteen gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine.
Waxaa sidoo kale duqeyntan ku dhaawacmay 11 ruux.
Saraakiisha Ukraine ayaa laga soo xigaty in ciidamada xukuumadda Moscow ay weli bartilmaameedsanayaan goobaha la deggan yahay ee degmooyinka hoos tago magaalada Kharkiv iyo si guud gobolkaasi.
Waaxda gurmadka degdegga ah ee Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in hal qof uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay gantaal uu Ruushku ku garaacay magaalada Pavlohrad ee gobolka Dnipropetrovsk, halka weerar lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv lagu dhaawacay 20 qof.
Dhanka kale Maraykanka ayaa maanta martigelin doona shir ay ku kulmayaan ilaa 50 dal.
Shirka ayaa diiradda lagu saaraya baahiyaha muddada dheer ee dowladda Ukraine.