Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wiilka Idriss Déby oo loo magacaabay hoggaamiya ku meel gaarka ee Chad

Wiilka Idriss Déby oo loo magacaabay hoggaamiya ku meel gaarka ee Chad

Jeneraal Mahamat Idriss Deby oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby ayaa deg deg loogu magacaabay hoggaamiyaha ku-meel garaka ah ee dalka Chad 18-ka bilood ee soo socota.
Waxaa sidatan ku warrameysa wakaaladda wararka ee AFP iyadoo soo xiganeyso afhayeenka ciidamada Jeneraal Azem Bermandoa Agouna
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby uu u dhintey dhaawacyo ka soo gaaray dagaal jiidda hore.
Waxaa sidatan maanta ka sheegay telefishinka qaranka ee dalkaasi afhayeenka ciidamada Azem Bermandoa Agouna.
Deby ayaa shalay sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya argagixisada, waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.
Madaxweyne Deby ayaa la filayay inuu ku guuleysto markiisii lixaad xafiiska ka dib doorashadii dhacday 11-kii bishaan.
Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.
Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments