5 ismaamul oo ku yaalla deegaannada oomanaha ee ASALs ah oo ka faa’iidaysan doona mashruuca biyaha ee Bangiga Adduunka

0
154

Bangiga Adduunka oo kaashanaya dowladda dhexe ayaa mashruuc biyo oo shan sano soconayo ka fulinaya 5 ismaamul oo ku yaalla deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs.
Barnaamijkan ayaa la doonaya in wax looga qabto caqabadaha biyo la’aanta ee ismaamulladan.
Waxaa mashruucan fulinaya hay’adda khayraadka biyaha iyo sanduuqa kaydka biyaha.
Ismaamullada mashruucan biyaha ka faa’iideysanaya ayaa kala ah Marsabit, Turkana, Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Mashruucan oo uu maalgelinaya Bangiga adduunka ayaa ah barnaamij heer gobol oo ay qayb ka yihiin dowladaha Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Suudaanta Koonfureed, Jabuuti iyo Eritrea.
Waxaa barnaamijkan loo adeegsan doona dhaqaale dhan 19.3 bilyan oo shilin.
Mashruucan ayaa gacan ka gaysan doona sidii looga gudbi lahaa caqabadaha biyo la’aanta ee gobolka.
Mashruuca biyaha, oo la ansixiyay bishii Toddobaad ee sanadkii 2022-kii, ayaa la qorsheeyay in la soo gabagabeeyo sanadka 2028-ka.
Waxaa mashruucaan ka faa’iidaysan doona ku dhawaad 1.5 milyan oo qof oo ku nool deegaanada oomaha ASAL’s ee Waqooyiga dalka.