Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee X ku sheegtay in ay kulan la qaadatay ururka daryeelka garsoorayaasha wadanka.
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray daryeelka ay u baahan yihiin xaakinnada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah.
Sidoo kale waxay xubnaha ku wargelisay waxyaabihii ka soo baxay shirkii wadatashiga ahaa ee ay maanta yeesheen hoggaanka saddexda laamood ee dowladda.
Martha Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in garsoorka, baarlamaanka iyo golaha fulinta ay ku heshiiyeen in aasaaska dastuurka uu yahay nidaamka maamulka oo aynan cidna ka sarreyn.
Waxay saddexda qaybood ee dowladda isku afgarteen in mid waliba uu u hoggaansamo amarrada maxkamadaha iyo ilaalinta madax bannaanida dhanka maamulka.
Martha Koome ayaa shirka ka dhacay aqalka madaxtooyada ee State House ku tilmaantay mid taariikhi ah oo xaqiijin doono in si wadajir ah loola tacaalo musuqmaasuqa , in la wanaajiyo isla xisaabtanka sidoo kalena adeegyada loo fidiyo shacabka ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.