Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa walaac ka muujinaya kororka ku yimid boobka dhulalka iyo adeegsiga shahaadooyinka waxbarasho ee faaliska ah si qofka uu shaqo u helo.
Guddoomiyaha EACC ,Bishop David Oginde ayaa labadan arrimood ku sheegay inay walaac wayn ku hayaan guddiga.
Oginde ayaa xusay in heerka dhacdooyinka boobka dhulalka ee la soo tabinaya uu aad u sarreeyo balse ay tani la tacaalayaan.
In kastoo uunan si cad u faahfaahin tallaabooyin ay qaadayaan haddana waxaa uu Oginde xusay inay wax ka qabanayaan dhacdooyinkan.
Guddoomiyaha guddiga EACC, ayaa dhanka kale sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya kenyaanka iskudayaya inay shaqooyin helaan iyagoo adeegsanaya shahaadooyin aan sax ahayn.
Sidoo kale waxaa uu xusay in qofkii arrintan lagu caddeeyo uu dib u soo celin doono lacagihii uu mushaar ahaan u qaadanayay mudadii uu shaqeynayay.
EACC ayaa sheegtay inay ku daba jirto eedeysanayaal loo haysto inay malaayiin shilin oo mushaar ah ku qaateen in la shaqaaleysiiyay iyagoo adeegsanaya shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah.