Hoggaamiyaha dalka oo la kulmay madaxda cadaaladda iyo baarlamaanka

0
188

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay hoggaanka waaxda cadaaladda iyo baarlamaanka ee wadanka.
Afhayeenka madaxtooyada dalka , Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shirka oo ahaa mid wada tashi ah uu qabsoomay ka dib codsi ka yimid waaxda garsoorka si looga arrinsado la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta isla xisaabtanka iyo dardargelinta bixinta adeegyada loo fidiyo shacabka.
Madaxweynaha dalka William Ruto, madaxa cadaaladda garsoore Martha Koome iyo guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ayaa isku raacay in musuqmaasuqa uu khatar ku yahay qaranka oo uu ka dhex jiro laamaha dowladda ee fulinta, garsoorka iyo baarlamaanka.
Waxaa bayaanka ku cad in musuqmaasuqa uu caqabad ku yahay horumarka dalka iyo isbeddelka loo baahan yahay.
Mid waliba oo ka mid ah saddexda laamood ee dowladda dhexe waxaa uu xusay inay ka go’an tahay dardargelinta adeegyada shacabka , la dagaallanka musuqmaasuqa iyo xoojinta maamulka cadaaladeed si sare loogu qaado isla xisaabtanka.
Sidoo kale golaha fulinta, waaxda cadaaladda iyo baarlamaanka ayaa mid waliba sheegay inuu dejin doono xeerar lagu xaqiijinaya in lagu guulaysto hadafyada la dagaallanka musuqmaasuqa, wanaajinta adeegyada shacabka iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Kulanka waxaa lagu heshiiyay in muddo 30 cishe gudaheeda ah, laamaha dowladda ay soo gudbiyaan soo jeedinnadooda oo lagu wareejinaya golaha qaran ee maamulka cadaaladeed ee NCAJ.
Waxaa golaha NCAJ, guddoomiya ka ah madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome iyadoo ay maanta kulanka ku wehelinaysay ku xigeenkeeda garsoore Philomena Mwilu.
Madashan ayaa lagu caddeyn doonaa tallaabooyinka degdegga ah , kuwo muddada kooban iyo muddada fog ee la dhaqangelinaya.
Qodobka shanaad ee lagu heshiiyay maanta ayaa ah in golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay waaxda cadaaladda ee dalka ku taageeraan miisaaniyad dheeraad ah oo ay codsatay.
Sidoo kale waxaa la dardargelinaya shaqaaleysiinta 25 garsoorayaal dheeraad ah oo ku biiraya maxkamadda sare ee dalka iyo 11 ka howlgeli doono maxkamadda racfaanka.
Waxaa sidoo kale la diyaarinaya raasimaal lagu fududeynaya baahiyaha dhanka gaadiidka ee waaxda garsoorka ee wadanka.
Bayaanka State House waxaa lagu soo gabagabeeyay in golaha fulinta ee dowladda, baarlamaanka iyo waaxda cadaaladda ay ka go’an tahay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si ay ixtiraam ku dheehan tahay, lagu tixgelinaya nidaamka maamul ee kala dambeynta , madax bannaanida mid kasta iyo qadarinta go’aammada maxkamadaha.
Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi , guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi , wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki, madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei,qareenka guud ee dowladda dhexe Shadrack Mose iyo guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG Anne Waiguru.
Kulanka ayaa ku soo beegmay ka dib markii ay dhawaan madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ay wada hadal ugu baaqday madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxweynaha ayaa dhowr mar sheegay in qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka oo kaashanaya shakhsiyaad uu ku tilmaamay kuwo leh dano gaar ah ay ku howlan yihiin musuqmaasuq taasoo lagu hor istaagaya dhaqangelinta mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee dowladda.
Dhaliisha madaxweynaha ayaa billaabatay ka dib markii 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ay maxkamadda dastuuriga sharci darro ku tilmaantay canshuurta guriyeynta.