Xildhibaanka Bariga Mumias oo sheegay inuusan hortagi dooni guddiga EACC

0
253

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega Peter Salasya ayaa sheegay inuusan hortagi doonin guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga EACC uu u yeeray mudanahan.
Waxaa xidhibaanka loo haystaa inuu 12-kii bishan goob uu aas ka socday uu ku dharbaaxay wakiilka deegaanka hoose ee Malaha-Isongo-Makunga, Peter Walunya Indimuli.
Madaxa fulinta ee EACC, Twalib Mbarak ayaa sheegay in xildhibaanka laga doonayo inuu berri ka soo hormuuqdo xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuq.
Hasa ahaate, mudanaha deegaanka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega Peter Salasya ayaa sheegay in kiiskiisa uu maxkamadda hor yaalla islamarkaana guddiga EACC looga baahneen in ay u yeeraan si uu farriin u qoro.
Waxaa uu barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ku eedeyay inuu sabab u yahay dacwadda uu hadda wajahaya.
EACC ayaa sheegtay in siyaasigan uu baal maray xeerarka hoggaanka iyo hufnaanta laga doonayo madaxda sida ku qeexan cutubka 6-aad ee dastuurka dalka.