Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in qarax ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Donetsk ee dalka Ukraine ay ku dhinteen ugu yaraan 27 qof.
20 qof oo kale ayaa falkaasi ku dhaawacmay.
Waxaa magaalada Donetsk gacanta ku haysa Ruushka.
Xukuumadda Moscow ayaa qaraxaasi ku eedeysay Ukraine in kastoo aynan Ukraine weli arrinkaasi ka hadlin.