DHAGEYSO:Mudavadi oo sheegay in Kenya ay saaxiib la tahay dalalka dariska ah

0
195

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa sheegay in wax khilaaf ah uunan ka dhexeyn Kenya iyo waddamada dariska la ah.
Mudavadi ayaa xusay in Kenya ay safka hore uga jirto u ololeynta nabadgalyada ee gobolka Bariga Afrika.
Waxaa uu warbaahinta uga digay inay faafiso tabin aan sax ahayn oo arrinkan ku aaddan.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Tanzania shaacisay inay hakin doonto duullimaadyada shirkadda qaran ee Kenya Airways in kastoo taasi markii dambe laga heshiiyay.
Sidoo kale Uganda ayaa Kenya dacwad ka gaysay maxkamadda cadaaladda ee Bariga Afrika ka dib markii ay Kenya diiday inay shirkadda qaran ee shidaalka ee Uganda ee UNOC ay siiso shati ganacsi.
Bil ka hor ayay ahayd markii ay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ay u yeeratay safiirkeedi ku matalayay Kenya ka dib markii la shaaciyay in isbeheysiga fallaagada Congo looga dhawaaqay gudaha wadanka.
Hasa ahaate Musalia Mudavadi oo madaxda ugu baaqay inay ku dadaalaan ka shaqeynta nabad galyada iyo midnimada ayaa sheegay in aynan jirin xurguf dibloomaasiyadeed oo Kenya kala dhexeysa dalalka dariska la ah.