DHAGEYSO:Barasaabka Kakamega oo eedeyn u jeediyay siyaasiyiin maxalli ah

0
219

Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa sheegay in tallaabadii ay waalidiin careysan ku weerareen maamulaha dugsiga sare ee St. Gabriel Isongo ee Bariga Mumias ay ka dambeeyeen siyaasiyiin maxalli ah oo uunan magacdhawin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in siyaasiyiinta ay waalidiinta ku dhiirrigeliyeen inay falkaasi sameeyaan.
Barasa ayaa xusay in madaxdan ay yihiin kuwo door biday in arrimaha taagan lagu wajaho qaab aan laga fiirsan.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa dhanka kale sheegay in tallaabadii guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu dugsigaasi uga saaray 17 barayaal ah ay saameyn ku yeelatay habsami u socodka waxbarashada.
Barasa oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG ayaa dhanka kale sheegay in dowladda dhexe aynan weli ismaamullada ku wareejin lacag dhan 80 bilyan oo shilin isagoo ku baaqay in dhaqaalahan la bixiyo.

Xildhibaanka deegaanka Likuyani ee ismaamulka Kakamega Innocent Mugabe iyo dhigiisa Khwisero Christopher Aseka ayaa dhankooda dowladda dhexe ugu baaqay inay si dhameystiran u soo saarto lacagaha lagu horumariyo deegaannada ee NG-CDF