Waalidiinta oo looga digay inay dhibaateeyaan macallimiinta

0
175

Guddoomiyaha guddiga adeegga macallimiinta TSC Jamleck Muturi, ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay guddigan xaqiijinta badqabka macallimiinta.
Waxaa uu sheegay in macallimiinta ay ka difaacayaan weerar kasta oo uga imaada waalidiinta iyo qaybaha kale ee bulshada.
Muturi ayaa intaasi ku daray in macallimiinta ay xuquuq u leeyihiin in xirfadooda lagu ixtiraamo.
Waxaa uu wacad ku maray in cid kasta oo weerarto ama u hanjabto macallimiinta ay wajihi doonto tallaabo sharciyeed.
Guddoomiyaha guddiga TSC ayaa waalidiinta ku boorriyay in cabashooyinka ay ka qabaan macallimiinta ay u gudbiyaan maamulka xaruntaasi.
Muturi ayaa ka digay in macallimiinta oo la dhibaateeyo ay khatar gelinayso bixinta adeegyada waxbarasho.
Hadalka guddoomiyaha TSC ayaa imaanaya iyadoo dhawaan waalidiin careysan ay weerareen dugsiyada sare ee St. Martin Mafuta ee ismaamulka Uasin Gishu iyo St. Gabriel Isonga ee dowlad deegaanka Kakamega.
Waalidiinta ayaa ka xumaaday in carruurtooda ay imtixaankii fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ee sanadkii hore ay ka soo hooyeen natiijooyin hooseeya.