UK oo casriyeynaysa hubka ay kula dagaallamaysa Xuutiyiinta

0
411

Militariga boqortooyada Ingiriiska ayaa shaaciyay qorsho sare loogu sii qaadaya tayada iyo awoodda gantaallada loo adeegsanaya weerarrada ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxaa casriyeynta qalabkan ku baxaysa lacag dhan 405 milyan oo Pounds una dhiganta 514 milyan oo doolar.
Wasaaradda difaaca ee UK ayaa maanta sheegtay in qorshuhu uu yahay la tacaalidda weerarrada ay Xuutiyiinta ku bartilmaameedsanayaan maraakiibka adeegsanaya Badda Cas.
Kooxdan ayaa sheegtay in aynan weerarrada joojin doonin ilaa iyo inta ay Israa’iil ka soo afjaraysa duqeymaha militari ee ay weli ka wado Qaza.