DHAGEYSO:Dowladda oo amartay in la toogto burcadda Baringo

0
244

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Baringo gaar ahaan dhanka Waqooyi ayaa amar ku bixiyay in la toogto burcadda gaysata dilalka iyo dhaca xoolaha.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Baringo Malack Namai ayaa sheegay in aynan jirin qaab kale oo loola macaamili karo qof burcad ah waxaana arrinkan soo dhaweeyay madax uu ka mid yahay senatarka ismaamulka Baringo William Cheptumo.

Mas’uuliyiintan ayaa arrintan ka hadlay xilli aas loo sameynayay afar qof oo isku qoys ah oo ay toddobaadkii hore burcad dishay.
Waxay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya aan xabsiga loo taxaabi doonin burcadda balse ay laamaha ammaanka ku toogan doonaan halka ay kula kulmaan.
Waxaa 6-da ismaamul ee Waqooyiga Gobolka Rift Valley weli ka socdo howlgallo amni oo ay ka qayb qaadanayaan waaxyo kala duwan.