Dowladda dalka Suudaan ayaa urur goboleedka IGAD ku wargelisay inay hakinaysa ka mid ahaanshaheeda dalladdan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka ku meel gaarka ah ee Cabdel Fataax al-Burhan .
Wasaaradda ayaa warqad arrinkan ku aaddan u gudbisay madaxweynaha dalka Jabuuti ahna guddoomiyaha IGAD Ismaaciil Cumar Geelle.
Talaadadii ayay ahayd markii ay xukuumadda Khartoum shaacisay inuu xumaaday xiriirkii kala dhexeeyay urur goboleedka IGAD.
Arrintaasi ayaa timid ka dib markii ay dalladdan casuuntay madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta ee Suudaan Maxamad Hamdan Dagalo oo tan iyo bartamihii bishii Afaraad ee sanadkii hore ay ciidamada ka amar qaata dagaal kula jiraan militariga dalkaasi ee uu hoggaamiyo General Burhan.