2 maxkamadood oo dheeraad ah oo laga hirgelinaya Uasin Gishu

0
164

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa si rasmi ah u shaacisay qorsho ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley looga hirgelinaya labo maxkamadood oo dheeraad ah.
Tani ayay hoosta ka xarriiqday in lagu ballaarinaya fidinta adeegyada cadaaladda ee ay shacabka u baahan yihiin.
Maxkamadahan oo laga hirgelinaya deegaannada Moiben iyo Turbo ayaa maamul ahaan hoos tagi doono maxkamadda sare ee magaalada Eldoret.
Koome ayaa sheegtay inuu jiro qorsho dhammaan 290-ka deegaan baarlamaneed ee ay Kenya ka kooban tahay looga hirgelinaya maxkamado si dadweynaha loogu fududeeyo helidda adeegyada ay bixiso waaxda garsoorka ee wadanka.