3 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay inta u dhexeysa Nakuru iyo Nyahururu

0
181

Waxaa la xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen shil ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Nyahururu.
Tani ayaa timid ka dib markii baabuur nooca mataatuuda uu ku dhacay mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala deegaanka hoose ee Subukia oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in haweeney iyo canug ay dhashay ay isla goobta ku dhinteen, halka caawiyihii darawalka uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday.
Mataatuuda ama gaadiidka dadweynaha ee shilka galay waxaa leh shirkadda baabuurta ee Nasu Sacco.