DHAGEYSO:Ururka wadayaasha gawaarida xamuulka ee Kenya oo dowladda ugu baaqay in badqabkooda xaqiijiso

0
149

Ururka ay ku bahoobeen wadayaasha gawaarida xamuulka qaada ee goobaha fog aada ee dalka ayaa doonaya in dowladda ay xaqiijiso in la soo siidaayo 69 ka mid ah wadayaasha gawaarida xamuulka kuwaas oo lagu xiray Koonfurta Suudaan.
Guddoomiyaha ururka wadayaasha gawaarida xamuulka ee goobaha fog aada ee dalka, Roman Waema ayaa sheegay in darawallada Kenya ee ku sugan wadanka Koonfurta Suudaan ay halis amni wajahayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhawaan la dilay labo ka mid wadayaasha gawaarida xamuulka, kuwaas agab kala duwan u safrinayay dalka Suudaanta Koonfureed.