DHAGEYSO:Kitale: Dowladda oo amartay in dib loo soo celiyo dhul si sharci darro ah lagula wareegay

0
226

Dowladda dhexe ayaa amar ku bixisay in dad si sharci darro ah kula wareegay dhul ku yaalla magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia in halkaasi laga saaro.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in la dhacay dhul ay dowladdu leedahay gaar ahaan waaxda asluubta.
Hoggaamiyaha dalka ayaa cid kasta oo dhulkaasi deggan ku amray in ay si degdeg ah uga guurto si waaxda asluubta ee Kitale looga wareejiyo meesha ay hadda ku taalla.

Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweyne William Ruto sheegay in maamulkiisa uunan u dulqaadan doonin dhaca dhulka dadweynaha.