Ruushka oo weerar ka gaystay magaalada Kharkiv

0
197

Ugu yaraan 17 ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacmeen, ka dib markii gantaallada Ruushka ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dhaawacyada ay xaaladooda liidata.
Duqa magaalada Kharkiv Ihor Terekhov ayaa sheegay in gantaallada Ruushka ay beegsadeen dhismayaal ay dad shacab ah deggan yihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in gantaallada ay burburiyeen ugu yaraan 10 dhisme.
Adeegga gurmadka degdega ah ee Ukraine ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay dhismo saddex dabaq ah oo horraan ahaa xarun caafimaad.