Dacwad ka dhan ah NSSF oo maxkamadda la geeyay

0
210

Mid ka mid ah qareennada magaalada Nairobi ayaa maxkamadda u gudbiyay kiis uu uga soo horjeedo lacago dheeraad ah oo ay soo kordhisay waaxda qaran ee howlgabnimada ee NSFF.
Lacagahan dheeraadka ah ee laga doonaya inay bil waliba bixiyaan kenyaanka shaqeeya ayaa la shaaciyay toddobaadkii hore.
Garyaqaan John Ndegwa ayaa doonaya in maxkamadda ay soo saarto amar degdeg ah oo NSSF looga hor istaagaya dhaqangelinta isbeddelka cusub.
Waxaa uu xusay in tani ay ku soo beegmaysa xilli ay kenyaanka wajahayaan xaalado adag oo dhaqaale sidaasi awgeedna maxkamadda laga doonayo inay codisigiisa tixgeliso.
Qareenka ayaa maxkamadda u sheegay in shaqaalaha dowladda iyo howlwadeennada waaxyaha gaarka ah ay qaataan mushaar hooseeya sidaasi awgeedna aan lacago dheeraad ah laga sii jari karin bil kasta.
Dacwaddan ayaa la doonaya inay ka soo jawaabaan guddiga maamulo NSSF, Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi iyo wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Florence Bore.