3 qof oo loo xiray dil ka dhacay Narok

0
231

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Narok ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo ku eedeysan mid ka mid ahaa saraakiisha qiimeeya dhulalka .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ninkan lagu dilay bannaanka hooygiisa ee magaalada Narok.
Tallaabada lagu xiray saddexda tuhmane waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Narok Isaac Masinde.
Waxaa uu xusay in saddexda ruux ay ciidamada ammaanka ka caawinayaan in la soo xiro tuhmanayaasha kale ee ka qayb qaatay dilkii Lawrence Nkamasiai.
Hasa ahaate Issac Masinde ayaan shaacin magacyada saddexda qof ee la xiray balse wuxuu tilmaamay in booliiska ay ku dadaali doonaan in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo dilkaasi ku lug lahayd.