Atwoli oo sheegay inay difaacayaan waaxda garsoorka

0
210

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa aragtidiisa ku biirriyay kala duwanaanshaha u dhexeya waaxda cadaaladda ee dalka iyo golaha fulinta ee dowladda.
Waxaa uu sheegay in shaqaalaha wadanka ay garab siinayaan maxkamadaha.
Atwoli oo waaxda cadaaladda ka difaacayay eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa ee uga yimid madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay in xaaladda taagan la dejiyo.
Waxaa uu tilmaamay in haddii is-qabqabsiga uu sii socdo in meesha ay ka bixi karto kalsoonida lagu qabo hannaanka cadaaladeed ee dalka.
Francis Atwoli ayaa sheegay in uunan jirin garsoore ugu yimid inuu laaluush siiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii uu fursad u helo uu madaxweynaha dalka William Ruto ka codsan doono ilaalinta maxkamadda qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.
Xoghayaha guud ee COTU, Francis Atwoli ayaa dhanka kale ku baaqay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo eedeymo dhanka musuqmaasuqa ah oo laga soo tabiyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ay si cad laaluush uga qaadanayaan dadka wadanka imaanaya iyagoo aan eegayn alaabta ay sitaan.
Atwoli ayaa arrimahan maanta ka sheegay maqaaxida Lake Naivasha Resort halkaasi oo uu si rasmi ah uga furay tababarka halbeegyada shaqo ee caalamiga ee (ILS) oo loo qabanaya garsoorayaasha iyo diiwaangeliyaasha maxkamadaha qaabilsan arrimaha shaqada iyo shaqaalaha ee ELRC .