Midowga Yurub oo cunaqabatayn saaray taliyaasha militari ee Myanmar

0
389

Midowga Yurub ayaa lagu soo warramayaa inuu xayiraad ku soo rogay qaar ka mid ah taliyaasha militari ee dalka Myanmar.
Tallaabadan ayaa saameynaysa 10 taliyayaal iyo labo shirkadood oo ciidamada difaaca ee Myanmar lala xiriiriyo.
Go’aankan ayaa lagu tilmaamay midkii ugu adkaa ee midowga EU-da uu ka qaato afgembigii militari ee dalkaas ka dhacay 1-dii bishii labaad ee sanadkan iyo howlgallada dad badan lagu dilay ee ay fulinayaan saraakiisha ammaanka.
Xayiraaddan ayaa la xiriirta hantida iyo in taliyayaasha aan la siin doonin dal ku galka maadaama lagu eedeyay in aynan ilaalin hannaanka dimuqraadiga sidoo kalena ay ku xadgudbeen xuquuqul aadanaha.