Waxaa lagu soo warramayaa in 7 ka mid ah ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ay badbaadeen ka dib markii dooni ay saarnaayeen ay la qallibmatay.
Doonida ayaa ciidamada kula degtay badweynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow deegaanka hoose Kiwayu Chandani ee ismaamulka Lamu.
Ciidamada ayaa ka soo ambabaxay xerada Manda Bay, iyadoo ay doonidu u saarnayd sahay raashin ah iyo agab kale.
Doonida ayaa la kulantay mowjado xooggan oo dabeylo ah, taasoo keentay inay degto.
Waxaa goobta ka ag dhawaa kalluumeysatada deegaanka ah oo soo samatabixiyay saraakiisha.
Hasa ahaate, dhammaan raashiinkii saarnaa doonta oo isugu jiray bariis, baradho, sonkor iyo saliid ayaa la waayay, ka dib markii saraakiisa KDF-ta ay awoodi waayeen in ay badbaadiyaan.