Shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways (KQ) ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayso sidii ay u hubin lahayd in aysan jirin wax hakad ah oo ku yimadoo duullimaadyadii isaga kala gooshi jiray Nairobi iyo Dar es Salaam.
Arrintan ayaa timid ka dib markii dowladda dalka Tanzania ay go’aansatay in laga billaabo 22-ka bishan Koowaad ay hakiso dhammaan duullimaadyada shirkadda Kenya Airways.
Tani ayaa loo aaneeyay muran ka dhashay in Kenya ay iska diiday codsi la xiriira xamuulka oo ay soo gudbisay shirkadda duullimaadka ee Tanzania ee Air Tanzania Company Limited.
Hasa ahaate, bayaan ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in labada dhinac ee Kenya iyo Tanzania ay guda galeen wada hadallo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa arrintan.
Waxaa go’aanka lagu hakinaya duullimaadyada shirkadda Kenya Airways ee Tanzania bayaan ku shaaciyay agaasimaha guud ee maamulka duullimaadyada rayidka ee dalka Tanzania Hamza Johari.
Dhanka kale, madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda, Musalia Mudavadi ayaa sheegay inay wada hadleen dhigiisa Tanzania.
Waxaa uu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda soo cusboonaatay ee la xiriirta duullimaadyada labada dhinac.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay go’aansadeen in muddo saddex maalmood ah lagu dhammeeyo arrintan.
Home Wararka Kenya Kenya iyo Tanzania oo kawada shaqeynaya inuusan hakad ku imaanin dullimaadyadooda