Madaxweynaha dalka oo walaac ka muujiyay khilaafka ka jiro Afrika

0
692

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in khilaafka ka jiro wadamada qaaradda Afrika ee sii kordhaya ay tahay arrin walaaceeda leh.
Waxaa uu soo jeediyay in la iska kaashado sidii xal loogu heli lahaa ismari waa’ kasta oo jiro.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka qayb galay dood ay yeesheen xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha dalka oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ee midowga Afrika ayaa xusay in xasiloonida ay tahay arrin aad looga baahan yahay qaaradda sidaas awgeedna dowladaha kala duwan laga doonaya in ay mudnaanta koowaad siiyaan ka shaqeynteeda.