LSK oo ka hor imaadsan dhaarinta guddomiya ku xigenka Nairobi Anne Kananu

0
545

Ururka qareenada dalka ee LSK ayaa doonaya inay maxkamadda kaga hor imaadaan dhaarinta Anne Kananu Mwenda oo dhawaan loo dhaariyay guddomiya ku xigeenka ismaamulka Nairobi.
Ku deg degida turxaan bixinteeda, kaddibna ansixinta golaha hoose ee Nairobi iyo dhaarinteeda Jimcihi ayaa waxay dhalisay aragti kala duwan oo Kenyaanka, xisbiyada siyasadeed, qareenada, kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ay su’aal ka weydiinayaan sharci ahaan waxa ay tahay.
Xilka guddomiya ku xigeenka Nairobi loo dhaariyay Anne Kananu ayaa waxay dhalisay dood, waxaana suuragal ah inay ka dhalato dacwad.
Madaxa Ururka Qareenada dalka LSK Nelson Havi ayaa sheegay in dhaarinta Anne Kananu inay tahay afgambi lagu sameeyay dastuurka, islamarkana maxkamadda kaga hor imaanayaan.
Xisbiga Thirdway Alliance ayaa dacwad ka dhan ah Kananu gudbiyay.
Waxaa ay cambaareeyeen wadada lagu dhaariyay kuna tilmaamay sharci darro.
Sido kale nin magaladatani Nairobi deggan oo lagu magacaabo Henry Shitanda, ayaa isna cabasha ka gudbiyay garsoore Anthony Mrima kaddib markii uu meesha ka tuuray dacwadii Okiya Omtatah oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo abuukaatayaasha guddomiyihi hore ee Nairobi Mike Sonko.
Waxaa jiro warar sheegaya in Anne Kananu loo dhaarin karo guddomiyaha ismaamulka Nairobi.