Madaxa cadaaladda oo madaxweynaha u sheegtay inuu dalka qas u horseedaya

0
250

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa cambaareysay dhaliilo ay dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto iyo xubnaha maamulkiisa ay u jeedinayeen waaxda garsoorka.
Madaxweynaha ayaa waaxdan ku eedeyay inay caqabad ku noqotay hirgelinta mashaariicda horumarineed sida caafimaadka iyo guriyeynta.
Tani ayaa timid ka dib markii dacwado ka dhan ah barnaamijyadan maxkamadda la geeyay oo ay garsoorayaasha soo saareen amarro dowladda looga hor istaagaya dhaqangelintooda.
William Ruto ayaa marar badan sheegay in qaar ka mid ah xaakinnada maxkamadaha ka howlgalo ay sameynayaan musuqmaasuq iyagoo kaashanaya shakhsiyaad dano gaar ah leh.
Waxaa uu wacad ku maray in haddii ay xaaladdu sidan ku sii socoto in uunan tixgelin doonin go’aammada maxkamadda .
Hasa ahaate madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome oo  ka hadleysay shir jaraaid oo uu qabtay guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne William Ruto uu dalka u horseedaya qas iyo kala dambeyn la’aan.
Waxay wax laga qoomamoodo ku sheegtay in hoggaanka golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay dhawaan sheegeen in ay dafiri doonaan amarrada maxkamadda tani oo meel ka dhac ku ah dastuurka.