Madaxa ururka qareennada dalka ee (LSK) Eric Theuri ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ugu baaqay inuu soo bandhigo caddeymo wax ku ool ah oo uu cuskan karo in qaar ka mid ah saraakiisha waaxda garsoorka ay musuqmaasuq ku lug leeyihiin.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu sheegay inuu abaare 2:15 daqiiqo ee galabnimo ee Khamiista soo socoto uu guddiga adeegga cadaaladda ee wadanka ee JSC u gudbin doono dacwad ka dhan ah garsoore Esther Maina.
Waxaa uu xaakinkan ku eedeynayaa musuqmaasuq iyo habdhaqan xumo.
Rigathi Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in garsoore Esther Maina ay ku dhawaaqday in hanti uu sida habboon ku helay ay tahay mid laga macaashay musuqmaasuqa in kastoo sida uu hadalka u dhigay aynan fursad u siin inuu is difaaco.
Hasa ahaate madaxa LSK ayaa ku xigeenka madaxeynaha dalka ugu baaqay inuusan goob fagaare ah ka hadlin balse caddeymo kasto oo muujinaya in waaxda garsoorka ay ku lug leedahay musuqmaasuq uu u gudbiya guddiga adeegga cadaaladda ee wadanka ee JSC.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen, ayuu madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Eric Theuri carrabka ku adkeeyay in golaha fulinta ee dowladda uu ku dadaalaya inuu saameyn ku yeesho go’aammada ay maxkamaduhu soo saaraan.
Home Wararka Kenya Madaxa LSK: Madaxweye ku xigeenka dalka ha soo bandhigo caddeymaha musuqmaasuqa ee...