Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa shaaciyay in la xiray waddada u dhexeysa degmada Kaplong ee ismaamulka Bomet iyo magaalada Kisii.
Tani ayaa timid ka dib saameyn ka dhalatay daadad ku dhuftay aagga buundada webiga Kipsonoi oo ku taalla inta u dhexeysa Sotik iyo Chebilat.
Maamulka KeNHA ayaa sheegay in ka dib markii ay roobab culus da’een ay biyaha webiga buuxdhaafiyeen buundada taasoo sababtay inuu hakad galo gaadiidka.
Maamulkan ayaa gaadiidleyda wadaddaasi horay u adeegsanayay ku boorriyay inay marin kale isticmaalaan.
KeNHA ayaa sheegtay in ay wargelin kale soo saari doonto marka ay xaaladdu isbeddesho oo ay buundadaasi noqoto mid laga gudbi karo.
Dhanka kale dadweynaha ku nool magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa cabasho ka muujiyay saameyn ka soo gaartay roobab culus oo da’ay waxayna baaq u direen dowladda.