DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo weli wado dhaliilaha uu u jeedinaya waaxda garsoorka

0
239

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa weli wado dhaliilaha uu u jeedinaya waaxda cadaaladda ee dalka.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Kuresoi ee ismaamulka Nakuru ayuu hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha waaxdan ay caqabad ku noqdeen hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda sida caafimaadka iyo guriyeynta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijka guriyeynta ee dowladda uu shaqooyin u abuuray kumanaan qof oo kenyaan ah.
William Ruto ayaa ku doodaya in shakhsiyaad dano gaar ah leh ay kaashanayaan waaxda cadaaladda si maamulkiisa uunan ugu guulaysan dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed.

Madaxweyne  ku xigeenka dalka  Rigathi Gachagua iyo barasaabka ismaamulka Nakuru  Susan Kihika  ayaa dhankooda madaxweynaha  ugu baaqay inuu diiradda saaro fulinta waxyaabihii uu u ballan qaaday kenyaanka  oo uunan marnaba cidna ka oggolaan  in ay carqaladeyso  geeddisocodka horumarineed ee dalka.