Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shaacisay in la rajeynaya in qaybo ka mid ah wadanka sida Nairobi iyo buuraleyda bariga gobolka Rift Valley ay ka da’aan roobab culus.
Meelahan ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay duufaano ku dhuftaan.
Waaxda ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale Koonfurta Rift Valley, qaybo ka mid ah Xeebta iyo Bariga dalka ay roobab culus ka da’aan.
Waaxdan ayaa sheegtay in la filaya in maanta ilaa Isniinta ay roobab ka da’aan ismaamullada Isiolo iyo Samburu.