Xildhibaanka Galbeedka Suna oo walaac ka muujiyay natiijadii KCSE-da

0
243

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Galbeedka Suna ee ismaamulka Migori ,Peter Masara ayaa su’aal geliyay hufnaanta imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu wasaaradda waxbarashada ee dalka iyo golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ku boorriyey inay dadaalkooda laba jibbaaraan.
Masara ayaa xusay in ay soo baxeen dhaliillo badan oo ku aaddan maareynta imtixaanaadka sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin horseedi karo in kenyaanka ay kalsooni buuxda ku qabaan geeddisocodkan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay qaladaad jireen xilligii imtixaanaadka KCPE-da iyo KCSE-da ee sanadkii hore isagoo intaasi raaciyay in gaabadkan aan la soo tabin xilliyadii wasiirradii hore ee waxbarashada ee Dr. Fred Matiang’i iyo Prof. George Magoha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan waxyaabo badan oo u yaalla wasiirka tacliinta ee dalka Mr.Ezekiel Machogu oo ay qasab tahay in uu la tacaalo.