35 qof oo lagu xiray dalka Iiraan

0
327

Wasaaradda sirdoonka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in la aqoonsaday qof ku eedeysan inuu yahay horjoogaha koox sameysay bambooyinkii loo adeegsaday qaraxyadii mataanaha ahaa ee wadankaasi ka dhacay 3-dii bishan Koowaad.
Weerarrada ayaa xilligaasi laga gaystay magaalada Kerman ee Koonfurta Bari ee dalkaasi.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa tabisay in ugu yaraan 90 ruux lagu dilay qaraxyadaasi.
Wasaaradda sirdoonka ee Iiraan ayaa maanta sheegtay in eedeysanaha ugu muhiimsan ee soo qorsheeyay weerarradaasi uu yahay muwaadin ka soo jeedo dalka Tajikistan oo loo yaqaano Abdollah Tajiki.
Waxaa sidatan qortay wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA.
Tuhmanaha ayaa wadankaasi gudaha u galay bartamihii bishii hore ee Diseembar isagoo ka soo gudbay xadka Koonfurta Bari wuxuuna Iiraan iskaga baxay labo cishe ka hor inta aynan qaraxyadu dhicin kadib markii uu sameeyay bambooyinkii loo adeegsaday.
Kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa 4-tii Jannaayo sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi .
Magaalada ay ka dhaceen ee Kerman ayaa masaafo dhan qiyaastii 280 kiilomitir dhanka Koonfur Bari uga beegan caasimadda Iiraan ee Tehran.
Waxaa xilligaasi baroordiiq xusuus ah loo sameynayay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ciidamada kacaanka Iiraan ee (IRGC) oo uu sanadkii 2020-kii Maraykanku ku dilay duqeyn dhanka cirka oo laga fuliyay Ciraaq.
Waxaa duqeyntaasi amar ku bixiyay madaxweynihii Maraykanka ee xilligaasi Donald Trump.
Maamullada ammaanka ee Iiraan ayaa maanta sheegay in weerarradaasi 3-dii bishan ay ku dhinteen 94 qof oo ay ka mid ahaayeen 14 u dhashay Afghanistan.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 280 ruux oo dheeraad ah.
Ilaa iyo hadda waxaa la xiray 35 qof oo qaraxyadaasi lala xiriirinaya .