Booliiska Homa Bay oo baaraya dilka qof 76 sano jir ahaa

0
239

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay ayaa baaritaano ku billaabay fal lagu dilay nin ay da’diisu ahayd 76 sano jir.
Ninkan ayaa habeenimadii ay Arbacada soo galeysay waxaa lagu tooriyeeyay tuulada Lower Kodhoch ee deegaanka bariga Rachuonyo.
Meydka Lucas Ouko Opuge ayaa saaka laga helay meel dhowr mitir u jirta hooygiisa.
Waxaa arrinkaasi laamaha ammaanka ku wargeliyay qoysaska ay dariska ahaayeen.
Ku xigeenka guddoomiyaha tuulada Lower Kodhoch ,Daniel Odanga ayaa sheegay in ninkan ay dileen eedeysanayaal aan weli la aqoonsan oo isla markiiba goobta ka baxsaday.
Waxaa meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Rachuonyo iyadoo ay socdaan baaritaano ku aaddan dilkiisa.