Darawalka baskii shilka ku galay inta u dhexeysa Eldoret-Nakuru oo lagu siidaayay damaanad

0
308

Waxaa maanta damanaad lacageed oo dhan hal milyan oo shilin ay maxkamaddu ku siidaysay Clement Kiarie oo ah darawalka baskii 7-dii bishan shilka ku galay aagga Twin Bridge ee waddada isku xirta Eldoret iyo Nakuru.
Kiarie, oo ku magacdheer Taylor ayaa maanta ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru Daisy Mosse .
Waxaa Clement Kiarie lagu soo oogay dacwad ka kooban ilaa 15 qodob oo ay ka mid yihiin inuu sababay dhimasho , inuu baal maray isticmaalka caymiska baabuurta , inuu baabuurka u kaxeynayay si aan taxaddar lahayn iyo inuu siday 41 rakaab ah isagoo baabuurkiisa uunan adeegsan nidaamka caymiska.
Waxaa uu iska fogeeyay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay waxaana lagu siidaayay hal milyan oo damaanad ah.
Shalay ayay ahayd markii darawalka la xiray waxaana la geeyay saldhigga booliiska ee Mau Summit ka hor inta aan maanta maxkamadda la soo taagin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dacwadiisa ay maxkamadda mar kale soo qaado 29-ka bishan Jannaayo.