Madaxweynaha dalka oo la kulmay wakiillada Nakuru ee ka tirsan xisbiga Jubilee

0
214

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada yar ee Nakuru State Lodge kulan kula qaatay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nakuru ee ka tirsan xisbiga Jubilee.
Siyaasiyiintan ayaa madaxweynaha dalka u ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan.
Xildhibaanadda baarlamaanka si magacaabid ah ugu biirtay Sabina Chege ayaa maanta hoggaaminaysay 120 wakiillo ah oo uu hoggaamiyaha wadanka la kulmay.
Xoghayaha guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA, Cleophas Malala ayaa qoraal ku sheegay in shirka maanta ay ka qayb galeen madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, 28 xubnood oo ka mid ah golaha qaran ee fulinta ee xisbiga Jubilee.
Waxaa mas’uuliyiintan hoggaaminayay madaxa Jubilee ahna xildhibaanad baarlamaanka si magacaabid ah ugu biirtay Sabina Chege iyo xoghahaya guud ee Jubilee Kanini Kega .
Xisbiga Jubilee ayaa waxaa bilooyin ka dhex jiro khilaaf dhanka hoggaanka ah.
Waxaa uu xisbigu u kala qaybsamay labo garab oo ay kala hor kacayaan Jeremiah Kioni oo daacad u ah hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga iyo Kanini Kega oo u dhow isbeheysiga Kenya Kwanza ee madaxweyne William Ruto.