DHAGEYSO:Dowladda dhexe oo sheegtay in ay ka go’an tahay wanaajinta ka ganacsiga caanaha

0
210

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Nyahururu ee ismaamulka Laikipia ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la wanaajiyo wax soo saarka dhanka caanaha ee gudaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la sameynaya isbeddelo lagu xaqiijinaya in dadka caanaha iibiya ay ka helaan macaash ku filan.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay lacag dhan 5 bilyan oo shilin ku bixinaysa casriyeynta warshadda cusub ee soo saaridda caanaha ee (KCC) .
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo dowladda India ay ku heshiiyeen in shirkad laga leeyahay India iyo warshadda KCC ay iska kaashadaan sidii gudaha wadanka loogu sameyn lahaa agabka loo baahan yahay .
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in agabkan lagu sameyn doono qiimo aan badnayn.

Madaxweyne William Ruto ayaa dhanka kale maamulka warshadda caanaha ee KCC ku amray inuu halkii liitar ee caana ah ku iibsado 45 shilin.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay inuu jiro qorsho ka dib marka uu baarlamaanka dalka ansixiyo ay ganacsatadan lacagahooda ku helayaan bishiiba labo mar.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in la mamnuucay in Kenya la keeno caanaha budada ah balse ay jiraan shakhsiyaad dalka ku soo geliyo si xatooyo ah taasina si wayn loola tacaali doono.