LSK oo madaxweynaha ku eedeysay in uu cabsi gelinaya garsoorayaasha

0
265

Madaxa ururka qareennada dalka ee (LSK) Eric Theuri ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay in dhaliilaha uu u jeedinaya waaxda garsoorka ee wadanka ay yihiin kuwo uu uga gol-leeyahay inuu ku cabsi geliyo xaakinnada maxkamadaha ka shaqeeya.
Eric ayaa xusay in madaxweynaha uu ugu dambeyn doonayo in meesha laga saaro go’aankii dowladda looga hor istaagay isticmaalka xeerka maaliyadda ee sanadkii hore ee Finance Act 2023.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen, ayuu madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Eric Theuri carrabka ku adkeeyay in golaha fulinta ee dowladda uu ku dadaalaya inuu saameyn ku yeesho go’aammada ay maxkamaduhu soo saaraan.