Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka, Ezekiel Machogu ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay natiijadii ka soo baxday imtixaanaadka fasalka Afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay ardayda u fadhiisteen sanadkii hore.
Wasiirka oo natiijada ku soo bandhigay dugsiga sare ee gabdhaha ee Moi Girls ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu, ayaa sheegay in arday tiro ahaan dhan 1,216 ay keeneen buundada sare A (Plain), marka la barbardhigo sanadkii 2022-kii oo ay ahayd 1,146.
201,133 oo arday ayaa helay buundada lagu aada jaamacadda ee C+ iyo wixii ka sarreeya.
Wasiirka waxbarashada ayaa intaasi ku daray in arday dhan 526,222 ay keeneen darajada D iyo wixii ka sarreeya imtixaankii 2023-ka ee KCSE-da.
Waxaa uu xusay in imtixaankii 2023-ka ee KCSE-da ay arday dhan 48,174 la yimaadeen bundada ‘E’ marka la barbardhigo sanadkii 2022-kii oo ay tiradaasi ahayd 30,822.
Ezekiel Machogu ayaa u sheegay ardaydii imtixaankan u fadhiisatay inay natiijadooda ku baari karaan nambarkii lagu diiwaangeliyay ardayga oo dhameystiran iyo magaca ardayga iyagoo oo adeegsanaya barta online-ka ee golaha imtixaanaadka qaran ee KNEC ee ah (.). results.knec.ac.ke
Waxaa sanadkii 2023-ka imtixaanka KCSE-da u fadhiistay arday dhan 899,453.
Natiijada 4,109 oo ka mid ah ardaydii sanadkii hore u fadhiisatay KCSE-da kuwaas oo looga shakiyay inay sameeyeen qaladaad dhanka xatooyada imtixaanka ayaa la hakiyay natiijadoodi ilaa inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada kiisaskooda.
Faahfaahinta natiijada KCSE ee dhanka waqooyi bari halkan ayaad ka la socon doontaan.
Wasiirka waxbarashada dalka ayaa xusay in macallimiintii saxay imtixaankii KCSE-da ay dhammaantood lacagahoodi la siiyay.
Dhanka kale, madaxweyanha dalka William Ruto ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo sababta 3,685 oo arday oo is diiwaangeliyay aysan u fadhisan imtixaanaadka KCSE-da ee sanadkii hore.