Natiijada imtixaanadkii fasalka 4-aad ee KCSE oo gor dhow la shaacinaya

0
452

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa lagu wadaa in daqiiqadaha soo aadan uu shaaca ka qaado natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Waxaa uu wasiirka sheegay in la soo gabagabeeyay saxidda imtixaanka KCSE.
Natiijada maanta lagu dhawaaqi doona ayaa ah tii sanadkii hore ee 2023-kii.
Sanadkii hore waxaa imtixaanka KCSE u fadhiisatay arday ay tiradoodu tahay 903,260.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in natiijada imtixaanka lagu shaacin doono dugsiga sare ee Moi Girls ee magaalada Eldoret.
Tani ayaa ka dhigan in markii ugu horreysay in natiijada imtixaankan looga dhawaaqo meel ka baxsan caasimadda dalka ee Nairobi.