Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan ee wadanka ku boorriyay inay waddaniyad muujiyaan oo ayna diyaar u noqdaan in lagula xisaabtamo waxqabadkooda.
Waxaa uu walaac ka muujiyay go’aammada maxkamadaha ka soo baxay ee lagu hakiyay dhaqangelinta qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee dowladda.
Gachagua ayaa xaakinnada ka codsaday in aynan caqabad ku noqon barnaamijyada horumarineed ee dowladda ee shacabka ay ka faa’iidaysanayaan.
Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa mas’uuliyiinta sare ee dowladda ugu baaqay inay soo afjaraan dhaliilaha ay u jeedinayaan waaxda garsoorka ee dalka.