Shiinaha oo xayiraad saaray 5 ka mid ah shirkadaha hubka sameeya ee Maraykanka

0
335

Dowladda dalka Shiinaya ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn ku soo rogtay shan ka mid ah shirkadaha hubka soo saaro ee Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shirkadahan ku eedeysay inay hub ka iibiyaan jasiiradda Taiwan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo 13-ka bishan koowaad ay doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee Taiwan ay qabsoomi doonaan.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegaysa in doorashooyinkan ay ka dhigan yihiin dagaal iyo nabad ay kala door bidayaan shacabka Taiwan.
Bishii hore ayay ahayd markii waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay ansixisay mashruuc ku kacaya 300 oo milyan oo doolar oo hub looga iibinaya Taiwan si ay isku difaacdo.
Hasa ahaate Shiinaha ayaa xilligaasi wacad ku maray in shirkadaha barnaamijkan ku lugta leh uu ka qaadi doono tallaabooyin falcelin ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Shiinaha ayaa maanta shaacisay in xayiraad la saaray shirkadaha BAE Systems Land and Armament, Alliant Techsystems Operation, AeroVironment, ViaSat iyo Data Link Solutions.
Waxaa lala wareegaya hantida guurtada ah iyo midda ma guuraanka ah ee ay shirkadahan ku leeyihiin gudaha Shiinaha.
Sidoo kale hay’adaha iyo muwaadiniinta Shiinaha ayaa laga mamnuucaya in aynan shirkadahan wax ganacsi ama iskaashi ah la yeelan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaankeeda ku sheegtay in qorshaha uu Maraykanka hubka uga iibinaya Taiwan ay tahay mid khatar ku ah gobonnimada iyo danaha amni ee Shiinaha.
Xukuumadda Beijing ayaa kordhisay cadaadiska ay saareysa Taiwan ka dib markii hoggaamiyaha jasiiraddan Tsai Ing-wen la doortay sanadkii 2016-kii.
Tsai ayaa sheegtay in shacabka Taiwan ay xor u yihiin go’aan ka gaaridda mustaqbalkooda.
Xukuumadda Beijing ayaa sheegata in jasiiradda Taiwan ay dhul weynaheeda ka mid tahay in kastoo ay Taiwan isku aqoonsan tahay jamhuuriyad madax bannaan.