Waxaa lagu soo warramayaa in haweeney lagu magacaabo Vanessa Ogema oo dhawaan muuqaal si wayn loogu faafiyay baraha ay bulshada ku xiriirto laga dhex arkay iyadoo aflagaadeynaysa shaqaale caafimaad in ay maanta laamaha ammaanka isku dhibtay.
Haweeneydan ayaa duhurnimda maanta tagtay saldhigga dhexe ee booliiska ee ismaamulka Busia.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan uu wajiga u daboolnaa xilligii ay isu gacan gelinaysay booliiska.
Dhacdadan oo maalmo ka hor dhacday ayaa laga soo tabiyay isbitaalka Port Victoria ee ismaamulka Busia.
Haweeneyda ayaa xilligaasi ku andacootay in aan loo adeegin bukaan halkaasi la geeyay.
Falka ay ku kacday Vanessa Ogema ayaa waxaa aad uga carooday dadweyne badan oo adeegsada baraha bulshada ay ku wada xiriirto iyo saraakiisha caafimaadka kuwaas oo ku baaqay in haweeneydan la soo xiro.