Machakos oo aan la geyn doonin meydadka laga keenay ismaamullada dariska la ah

0
252

Maamulka isbitaalka guud ee ismaamulka Machakos ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan halkaasi la geyn doonin meydadka laga keenay dowlad deegaannada kale ee Machakos dariska la ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka caafimaadka ee Machakos Dr. Daniel Yumbya .
Yumbya ayaa dhanka kale digniin u diray saraakiisha booliiska ee ismaamullada dariska ah oo uu u sheegay in aynan qaybta meydadka la dhigo ee isbitaalka guud ee Machakos u soo qaadi karin meydadka dadka ku dhintay meelaha kale.
Waxaa uu xusay in saraakiisha booliiska ay meydadka dadka ku dhinta shilalka waddada wayn ee Mombasa Road ay xaruntaasi geeyaan.
Tani ayuu Dr. Daniel Yumbya sheegay in ay sababtay ciriiri dheeraad ah.