EACC oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan waaxda tacliinta ee ismaamulka Vihiga

0
165

Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay sarkaalka sare ee arrimaha waxbarashada , sayniska iyo tababarrada farsamada ee ismaamulka Vihiga Dr. Noel Malanda.
Ilo wareed ka tirsan EACC ayaa warbaahinta u sheegay in mas’uulkan uu hadda ku jiro saldhigga booliiska ee dekadda Mombasa.
Waxaa lala xiriirinaya fal musuqmaasuq oo uu baaritaankiisa socdo.